Wararka

Shirkii Musharaxiinta mucaaradka oo weli ka socda magaalada Mogadishu maalintii…


Waxaa weli Magaalada Muqdisho ka socda shirka ay ku leeyihiin Madaxda Musharaxiinta Mucaaradka. Shirka oo Sabtidii ka furmay Magaalada Muqdisho ayuu ujeedkiisu ahaa inuu socdo saddex maalmood, balse loo baahday maalin dheeri ah, iyadoona la fillayo in la soo geba-gabeeyo Talaadada maanta ah.

Qodobka ugu weyn ee shirka looga hadlayo ayaa ah saluugga ay Musharaxiinta Mucaaradka ka keenayn dhabaha ay Dowladda Federaalka u mareyso maamulidda doorashada, oo ay ugu horeyso Guddiyada Doorashooyinka, oo qaarkood ay sheegeen inay ka tirsan yihiin Saraakiisha NISA iyo Shaqaalaha Rayidka ee Xafiisyada Madaxda.

Waxay kaloo Musharaxiinta Mucaaradka ka biyo diidan yihiin xubnaha cusub ee toddobaadkii hore lagu biiriyay Guddiyada Doorashooyinka, ee shan iyo tobanka xubnood gaaraya. Musharaxiinta ayaa sidoo kale doonaya in Guddiyada Doorashooyinka, kuwooda ka imaanaya Gobolada Waqooyi looga dambeeyo Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, Cabdi Xaashi Cabdullaahi. Gudoomiye Xaashi iyo xubno kale oo ka soo jeeda Somaliland, oo isugu jira Xildhibaano iyo Siyaasiyiin ayaa ku biiray shirkaasi.

Dhanka kale Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka, Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa xalay u tagay Musharaxiinta Mucaaradka, oo shirku uga socdo Hotel Jazeera.

Wararka ayaa sheegaya in Mursal iyo Muudey uu soo diray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, mana cadda waxyaabaha ay kala hadleen musharaxiintaasi, inkastoo loo fishay mid uun la xiriirta arrimaha doorashooyinka ee dalka.

Musharaxiinta Mucaaradka ayaa gelinka dambe ee Talaadada waxaa la fillayaa in qodobo ka soo saaraan shirkooda.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12820 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: