Wararka

Trump ayaa ugu dambeyn ogolaaday inuu xilka ku wareejiyo madaxweynaha la doortay…


Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa ugu dambeyn ogolaaday inuu xilka ku wareejiyo Joe Biden, oo ku guuleystay doorashadii 3-dii bishan ka dhacday dalkaasi.

Madaxweyne Trump ayaa amray in la bilaabo qaban-qaabada munaasabadda xilwareejinta, isagoo Joe Biden ku wargeliyay in si rasmiya uu u bilaaban karo hannaanka uu xafiiska kula wareegayo.

Madaxweynaha ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu ku sheegay in Hay’adaha Federaalka ay sameeyaan waxa ay tahay in la sameeyo, si xilwareejinta u bilaabato.

Trump ayaa ku hanjabay inuu sii wadi doono loolankiisa dhinaca sharciga, ee uu ku doonayo in lagu buriyo natiijadii ka soo baxday doorashada.

Hadalka Trump ayaa ku soo aadaya, xilli toddobaadyadii la soo dhaafay uu ka biyo diidanaa inuu aqbalo in doorashada looga guuleysatay iyo guuldarooyin uu kala kulmaayay maxkamadaha.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12789 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: