Wararka

Dowladda Somalia ayaa si kulul u cambaareysay dadkii lagu laayay Degmada Waajid ee Bakool…


Wasiirka Cadaaladda Somalia, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa si kulul u cambaareeyay toddobadii qof ee xalay lagu laayay Degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

Dadkan oo ay ku jiraan saddex carruur iyo laba haween ah ayaa waxaa la sheegay inay dileen rag hubeysan, ka dib markii ay u dhaceen hoygii ay deganaayeen.

Wasiirka Cadaaladda ayaa ummadda Soomaaliyeed kaga tacsiyadeeyay ficilka guracan ee qoyskaasi lagu laayay, isagoona yiri “Waxaan guud ahaan ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeynayaa qoyskii Soomaaliyeed ee xalay si wadar ah Al Shabaab ugu laayeen Degmada Waajid, iyagoo gurigooda jiifa.”

Wasiir Jaamac ayaa sheegay in ficilka ceynkaasi oo kala ah ay gaystaan waxa uu ugu yeeray damiir laawayaasha Al Shabaab.

“In hooyo uur leh iyo carruur la laayo keliya waxay ka suurowdaa damiir laawayaasha Al Shabaab. Waxaan qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan reer Waajid leeyahay samir iyo iimaan Ilaahey hanaga siiyo, iyagana qabrigooda Allaha u waasaciyo, Janatul Firdowsana ka waraabiyo.” Ayuu yiri Wasiir Jaamac.

Maamulka Gobolka Bakool iyo kan Degmada Waajid ayaa sidoo kale waxa ay mas’uuliyadda weerarkaasi ku eedeeyeen Ururka Al Shabaab.

Dhacdadan ayaa dareen argagax leh ku beertay dadka deegaanka, iyadoona noqotay midda loogu hadalhaynta badan yahay deegaanada Koonfur Galbeed.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12777 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: