Wararka

Halyeygii kubada cagta ee reer Argentine Diego Maradona ayaa geeriyooday…


Halyeygii kubada cagta ee reer Argentine Diego Maradona ayaa ku geeriyooday da’da 60 jir.

Ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ee weerarka ayaa wadnaha istaagay isaga oo ku sugnaa gurigiisa.

Horaantii bishii November, Maradona waxaa lagu sameeyay qalliin guuleystay oo looga saaray xinjirowga dhiigga ee maskaxda, sida caadiga ah waxaa u socday daaweyn si looga takhaluso ku tiirsanaanta ama qabatiinka khamriga.

Maradona ayaa waxaa lagu tiriyaa inuu yahay mid ka mid ah ciyaartoydii ugu fiicneyd kubada cagta, wuxuuna ahaa hogaamiyihii xulkii ku guuleystay Koobkii Adduunka ee 1986, waxaana uu soo bandhigay qaab ciyaareed shaqsiyadeed oo aad u fiican.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12809 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: