Wararka

Hogaamiyahii Xisbiga Umma Party ee Sudan Sadiq al-Mahdi ayaa ku geeriyooday da’da 84…


Waxaa lagu dhawaaqay goor dambe oo xalay Arbacada ahayd in hoggaamiyihii Xisbiga Umma Party ee Sudan, Sadiq al-Mahdi, uu ku geeriyooday da’da 84.

Ilo wareedyo ka tirsan qoyska ayaa u sharaxay Reuters in Al-Mahdi uu ku dhintay Imaaraatka sababo la xiriira viruska Corona ee dadka badan galaaftay.

Xisbiga Umma ayaa wuxuu horey u shaaciyey in Mahdi lagu qaadey diyaarad khaas ah oo geysay Imaaraatka si baaritaano dheeri ah loogu sameeyo.

Waxaa xusid mudan in Sadiiq al-Mahdi uu ahaa siyaasi caan ah, mufakir, imaamna ka ah dariiqada Ansaarta, oo ka mid ah firqooyinka diimeed ee ugu waaweyn dalka Sudan.

Xitaa toddobaadyadii la soo dhaafay, wuxuu iska watay kaalimihiisa siyaasadeed iyo mid diineedba, wuxuuna si cad u sheegay inuu diiday in xiriirka Sudan iyo Israel si caadi ah lagu soo celiyo.

Al-Mahdi ayaa loo arkaa inuu yahay Ra’iisul wasaarihii ugu dambeeyay ee si dimoqraadi ah loo soo doortay, waxaana xilka looga tuuray 1989-kii inqilaabkii militari oo xukunka ku qabsaday madaxweynihii hore Cumar Al-Bashiir.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12907 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: