Wararka

Lix qof oo loo heystay in ay horey dilal u geysteen ayaa dil toogasho ah lagu fuliyey…


Maamulka Somaliland ayaa dil toogasho ah ku filsay Lix ruux oo loo heysatay in ay horey dilal u geysteen.

Raggan toogashada lagu fuliyay horey maxkamada Somaliland dil ugu xukuntay, inkastoo qaar ka mid ah eheladooda ku tilmaameen xukunkaasi in uu ahaa mid sharci daro ah.

Saakay oo Khamiis ah ayaa lagu waramayaa in toogashada raggan ay ka dhacday dulleedka Xabsiga weyn ee Mandhera, waxaana ay kala yihiin ragga toogashada lagu fuliyay Yaasiin Maxamed Yuusuf, Sharmaarke Sahal Oogle, Quulle Maxamed Cilmi, Khaalid Cabdi Xaydar, Khadar Maxamed Warsame iyo Cabdikariim Maxamed Mahdi,

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu waramayaa in ugu danbeyntii uu fasaxay islamarkaana saxiixay fulinta toogashada Lixda ruux.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12777 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: