Wararka

Rag hubeysan ayaa toogasho ku dilay wiil Soomaaliyeed magaalada Edmonton ee Canada…


Wararka ka imanaya magaalada Edmonton ee Gobolka Alberta ee dalka Canada ayaa sheegay in rag hubeysan ay toogasho ku dileen muwaadin Soomaaliyeed mid kalana dhaawacay.

Bashiir Xaaji Cali oo ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Canada ayaa sheegay in dadkii ka damebeyay dilka wiilkan Soomaaliyeed ay goobta ka baxsadeen.

Waxaa soconaya baaritaan la xiriira dadkii hubeysnaa ee ka dambeeyay dilka iyo dhawaca magaalada Edmonton loogu geystay Soomaalida, isla markaana baaritaano ay wadaan.

Dalka Canada gaar ahaan Gobolka Alberta oo Soomaalida ay ku badan tahay ayaa waxaa inta badan ka dhaca dilalka loo geysto dhalinyarada Soomaalida ah, waxaana taasi ay sababtay in Waalidiin farabadan ay carruurtooda dib ugu celiyaan Soomaaliya.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12891 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: