Wararka

Dowladda Faransiiska ayaa Somalia ka cafisay lacag dhan $306 milyan, heshiis ka dhacay…


Dowladda Faransiiska ayaa Somalia ka cafisay adduun lacageed oo dhan 306 milyan oo dollar (saddex boqol iyo lix milyan oo dollar), ka dib heshiis ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Heshiiskan ayaa waxaa dhanka Dowladda Somalia u saxiixay Wasiirka Maaliyadda, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, halka dhanka Faransiiska ay u saxiixday Aline Ménager, oo ah Safiirka Faransiiska ee Somalia iyo Kenya.

Wasiir Beyle oo ka hadlay dayn-cafintan ayaa yiri “Waxaa maanta inoo suuragashay in aan si wadajir ah u saxiixno heshiis dayn-cafin ah, aniga iyo Safiirka Dowladda France ee Kenya iyo Somalia, Aline Ménager.”

“Dowladda Somaliya waxaa sharaf u ah in si rasmi ah looga cafiyay lacag dhan saddex boqol iyo lix milyan oo dollar ($306 Million).”

“Faransiiska waxa weeye wadanka 4aad ee lacagta ugu badan nagu leh. Wadanka 1aad waa Mareykanka, wadanka 2aad waa Ruushka, halka kan 3aad uu yahay Talyaaniga. Faransiisku wuxuu nagu lahaa lacag dhan 560 milyan, oo maanta 306 milyan oo ka mida uu naga cafiyay.”

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12896 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: