Wararka

Laftagareen ayaa Madaxtootada Baydhabo ku qaabilay M/weynihii hore Shariif Sheikh…


Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa Madaxtooyada Baydhabo ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed oo gaaray magaaladaasi.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ka hadlay socdaalka wafdiga Shariif Sheekh Axmed ku yimaadeen Magaalada Baydhabo ayaa ku sheegay mid booqasho ah.

Madaxweynaha oo Warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay in Shariif Sheekh Axmed, ay si weyn u soo wada shaqeeyeen mudadii uu ku magacawnaa Madaxweynaha Qaranka, iminkana uu Baydhabo yimid, isagoo u ololeynayo doorashada madaxtinimada ee dalka.

Lafta-gareen ayaa sheegay in Shariifka uu ku soo dhaweynayo Magaalada Baydhabo, oo caan ku ah buu yiri soo dhaweynta iyo martisoorka.

Shariif Sheekh Axmed, Gudoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran ayaa Xarunta Gobolka Bay ee Magaalada Baydhabo u tagay dardargelinta ololihiisa ku aadan qabashada Xafiiska Madaxtooyada.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12809 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: