Wararka

Trump ayaa sheegay inuu ka tagayo Aqalka Cad haddii Joe Biden si rasmi ah loogu caddeeyo…


Donald Trump ayaa sheegay inuu ka tagayo Aqalka Cad haddii Joe Biden si rasmi ah loogu caddeeyo inuu yahay madaxweynaha xiga ee Mareykanka.

Madaxweynaha ayaa diiday inuu aqbalo guuldaradii ka soo gaartay codbixintii 3 November, wuxuuna saxaafada u sheegay khamiistii inay adkaan doonto in la ogollaado.

Waxa kale oo uu mar kale ku celiyey sheegashooyin aan caddayn lahayn oo ah musuqmaasuq codbixineed.

Mr Biden wuxuu ku hogaaminayaa Mr Trump 306 cod halka uu helay 232 iyadoo la raacayo nidaamka ergada doorashada ee lagu soo xulo madaxweynayaasha Mareykanka.

Tirada ayaa aad uga badan 270 oo ah intii loo baahnaa in lagu guuleysto, Mr Biden ayaa sidoo kale hoggaaminaya codbixinta dadweynaha in ka badan lix milyan.

Codbixiyeyaashu waxay kulmi doonaan bisha soo socota si ay cod rasmi ah uga dhigaan, iyadoo Dimuquraadiga Joe Biden loo dhaarin doono xilka madaxweynenimada 20-ka bisha Janaayo.

Madaxweynaha iyo taageerayaashiisa ayaa dacwado dhowr ah oo dhanka sharciga ah ka gudbiyey doorashada, laakiin badankood waa la diiday.

Horraantii toddobaadkan, Mr Trump wuxuu ugu dambayntii ogolaaday diyaarinta kala-guurka rasmiga ah ee kooxda madaxweynaha la doortay ee Biden inuu bilowdo, ka dib dhawr toddobaad oo uu hubaal la’aan ahaa.

Go’aanka ayaa ka dhigan in Mr Biden uu awood u leeyahay inuu helo warbixino sare oo dhanka amniga ah isla markaana uu galaangal ugu yeesho saraakiisha muhiimka ah ee dowlada iyo lacago malaayiin doolar ah isagoo isku diyaarinaya inuu la wareego 20ka Janaayo.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12802 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: