Wararka

Ciidamada Itoobiya ayaa ku dhawaaqay inay la wareegeen magaalada Mekelle ee xarunta…

FILE PHOTO: A plane flies next to Tigray Martyrs monument during the funeral ceremony of Ethiopia's Army Chief of Staff Seare Mekonnen in Mekele, Tigray Region, Ethiopia June 26, 2019. Picture taken June 26, 2019. REUTERS/Tiksa Negeri/File Photo

Ciidamada Itoobiya ayaa ku dhawaaqay inay la wareegeen magaalada Mekelle ee xarunta gobolka Tigray, kadib markii TV-ga gobolka uu baahiyay in magaalada ay la kulantay duqeymo dhanka cirka ah iyo duqeymo kale oo xoogan oo ay u geysanayeen ciidamada federaalka, iyadoo ay qeyb ka tahay wajiga seddexaad uguna dambeeya ee uu ku dhawaaqay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, iyadoo lagu guuldareystay dhex dhexaadintii Afrikaanka ee lagu xalin lahaa qalalaasaha.

Ciidanka Itoobiya waxay adkeeyeen gacan ku haynta magaalada Mekelle, waxaana la qabtay goobihii istiraatiijiga ahaa ee magaalada.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa muujiyay sida uu ugu qanacsanyahay in ciidanku gacanta ku dhigaan caasimada gobolka Tigray, wuxuuna sheegay in howlgalka uu dhacay iyada oo wax khasaare oo naf ah dhicin. Wuxuu ugu hambalyeeyay dadka deegaanka “ka takhalusida Jabhadda Xoreynta Dadka Tigreyga.”

Telefishanka Tigrey ayaa u diray baaq beesha caalamka in ay soo faragaliso si loo joojiyo weerarada ka dhacaya magaalada, kadibna telefishanka ayaa ka baxay hawada markii uu jeediyey baaqaasi.

Debarsion Gabremichael, oo ah hogaamiyaha Jabhadda Xoreynta Dadweynaha Tigreyga, ayaa sheegay maanta oo Sabti ah in ciidamada dowladda Itoobiya ay bilaabeen guluf ay ku qabsanayaan Mekelle.Wuxuu intaas ku daray fariin qoraal ah oo uu u diray wakaaladda wararka ee Reuters in Mekelle ay ku socoto “duqeyn culus.”

Ciidamada iyo maleeshiyada Jabhadda Xoreynta Tigreyga waxay balanqaadeen inay jawaab ka bixin doonaan duqeyntan, halka bayaanka aan lagu xusin faahfaahin kale.

Laakiin afhayeen u hadashay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Bellini Seyoum, ayaa beenisay hadal ay siisay Aljazeera oo dhinaca khadka taleefanka kula xiriirtay in ayna jirin wax duqeyn ah oo ka dhacay magaalada Mekelle.

Ciidanka ayaa sidoo kale la wareegay buurta istiraatiijiga ah ee Mississippo, oo muhiim u ah maamulka magaalada Mekelle maalmo yar gudahood, sida lagu sheegay bayaanka ciidanka Itoobiya.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12777 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: