Wararka

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxii xalay ka dhacay maqaayada…


Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar ismiidaamin ahaa oo xalay lagu qaaday goob lagu caweeyo oo kutaala agagaarka garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Weerarkan oo ay ku dhinteen ugu yaraan 6 qof, ayay Al-Shabaab ku sheegeen in ay ku dileen mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda iyo xubno isugu jira sirdoon iyo ilaalada gaarka ah ee qaar kamid ah mas’uuliyiinta dowladda.

Al-Shabaab waxay sheegeen in qaraxaan uu ka dambeeyay dagaalame naftii horre ah oo isku qarxiyay maqaayad kutaala wadada isku xirta isgooyska Lambar Afar iyo Garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Al-Shabaab waxay sheegeen in ay weerarkaan kusoo beegeen xilli uu maalintii shalay Muqdisho soo gaaray wasiirka Gaashaandhigga Maraykanka Christopher Miller kaas oo saacado kooban ku sugnaa garoonka diyaaradaha.

Marka laga tago sheegashada Al-Shabaab, qarixii xalay, ayaa waxaa ku dhintay dhalinyaro badan oo aqoonyahanno ah oo aan dowladda ka tirsanayn.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12820 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: