Wararka

Dowladda Somalia ayaa ku amartay Safiirka Kenya ee Somalia inuu dalkiisa ku laabto…


Dowladda Soomaaliya ayaa wadatashi ugu yeertay Safiirkeeda u fadhiyay Kenya Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan), iyadoo ku amartay Safiirka Kenya ee Somalia Lucas Tumbo inuu dalkiisa wadatashi ugu laabto.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cali Nuur ayaa goordhow warbaahinta dowlada ka akhriyay go’aanka ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay Kenya inay si bareer ah u faragelineyso arrimaha gudaha ee Soomaaliya, gaar ahaan arrinta Jubbaland.

Sidoo kale Xoghayaha Joogtada ayaa sheegay in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ay dowladda Kenya ku cadaadineyso carqaladeynta heshiiskii doorashooyinka ee ay Muqdisho ku gaareen dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12893 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: