Wararka

Dowladda Somalia ayaa ku eedeysay qaar ka mid ah dowlad goboleedyada in ay mas’uul…


Wasiirka Warfaafinta Dowladda Federalka Soomaaliya Cismaan Dubbe ayaa ku eedeeyay qaar kamid ah dowlad goboleedyada in ay mas’uul ka yihiin dib u dhac ku yimaada doorashada Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta oo ka qeyb galayay kulan dood wadaag ah oo arrimaha doorashada looga hadlayay, ayaa sheegay dowladdu in ay ka la’dahay qaar kamid ah dowlad goboleedyada in ay soo buuxiyaan xubnihii guddiyada doorashada ee laga sugayay.

“Gaabis kaste oo ku yimaada doorashada, xukuumadu wax lug ah kuma lahan sidii loogu talo galay ayay u maareeysay, ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Hadalka Wasiirka Warfaafinta ayaa kusoo beegmaya, iyadoo kowda december ay ku beegan tahay xilligii lagu heshiiyay in ay dhacdo doorashada Aqalka Sare.

Khilaafka ka taagan guddiyada doorashada ayaa khatar ku ah in ay doorashada ku qabsoomto waqtigii loogu talo galay.

Dowladda iyo dhinacyada mucaaradka ayaa isku eedeeynaya inuu kan kale mas’uul ka yahay in doorashada waqtigeeda ku dhici weydo.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12810 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: