Wararka

Feeryahannada Mareykanka Mike Tyson iyo Roy Jones oo feer ku tartamay ayaa barbaro noqday…


Feeryahankii hawlgabka ahaa ee reer Mareykan Mike Tyson, horyaalkii hore ee miisaanka culus ee adduunka, wuxuu muujiyey inuu weli xoog badan leeyahay kadib markii uu ku soo laabtay garoomada lagu ciyaaro feerka oo muddo dheer la sugayey, wuxuuna ka fiicnaa ninka ay xifaltamaan ee Roy Jones ciyaar show aheyd oo xalay ka dhacday magaalada Los Angeles, laakin dhammaan wixii la filayey kuma dhamaan ee waxay ku dhammaatay barbaro.

Ciyaarta ayaa socotay 8 wareeg oo u dhaxeysay feeryahanada iyadoo aysan jirin wax garsoore ah oo ka baxsan gudaha garoonka si ay dhibcaha u qoraan, laakiin Golaha Feerka Adduunka ayaa ka codsaday qaar ka mid ah garsoorayaasha in ay meelaha fog ka qoraan dhibcaha.

Feeryahannada Mareykanka ee ciyaartan ayaa ka weyn da’ da 50 sano.

Tyson, 54, ayaa yiri iska hor imaadka ka dib, “Waan ku faraxsanahay waxqabadkan iyo inaan sii wado howshan iyo inaan horay u socdo.”

Ciyaarti ugu dambeysay ee heerka xirfad ahaaneed ee Tyson ee uu dagaallamo waxay aheyd 15 sano ka hor waxana ka badiyay Kevin McBride, laakiin wuxuu si buuxda ugu gacan sareeyay iska horimaadka Jones (51 sano), labada feeryahanna waxay is saareen laabta dhamaadka ciyaarta.

“Tani waa wax ka badan ciyaar uun, annaga waxaan daneynaa arrimaha insaaniga, waxaan caawinaa dadka.” ayuu yiri Tyson.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12777 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: