Wararka

Xildhibaan Mustaf Dhuxulow ayaa la sheegay in lagu xiray Garoonka Diyaaradaha Hargeysa…


Wararka laga helayo magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in ciidamada Nabadgalyada Maamulka Somaliland ay xireen xildhibaan Mustaf Dhuxulow oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya dhinaca kalana ah musharax madaxweyne oo u taaggan doorashada 2020-21 ee Soomaaliya.

Wariye ka mid ah wariyeyaasha Somaliland ayaa warbaahinta u sheegay in Mustaf Duxulow lagu xiray Garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa, kadib markii ay caga-dhigtay diyaarad uu la socday.

Lama oga halka uu ku wajahnaa safarka xildhibaanka, hase ahaatee waxaa wararku sheegayaan in hadda lagu dhax hayo saldhig ku yaala gudaha Garoonka.

Mustaf Dhuxulow ayaa ka mid ahaa musharixiinta dhawaan shirka ugu soo dhamaaday magaalada Muqdisho, Mana jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca maamulka Soomaaliland oo la xiriira xariga xildhibaan Mustaf Dhuxulow oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12858 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: