Wararka

Dowladda Itoobiya ayaa dalkeeda ka ceyrisay diblomaasiyiinta dalka South Sudan…


Dowladda Itoobiya ayaa dalkeeda ka ceyrisay diblomaasiyiinta South Sudan, sida ay ku warantay jariiradda afka dheer ee ka soo baxda Magaalada Juba ee Sudanpost.

Dowladda Itoobiya ayaa Axadii 72 saacadood u qabatay in ay dalkeeda uga baxaan diblomaasiyiinta South Sudan ee dalkaasi ku sugan.

“Waxaa nala siiyay 72 saacadood oo aan kaga baxeyno dalka. Go’aankaas waxaa nalagu soo gaarsiiyay warqad ay soo saartay Hay’adda Nabad Sugidda ee Itoobiya, waxayna noo sheegeen in aanan halkan nalaga rabin, illaa amar dambe.” Sidaasi waxaa yiri diblomaasi aan magaciisa la xusin.

Ma cadda sababta ay Itoobiya u eriday diblomaasiyiintaasi, balse waxaa soo baxaya warar aan la xaqiijin oo sheegaya in Hoggaamiyaha Gobolka Tigreyga, Debretsion Gebremichael uu ku sugan yahay Magaalada Juba.

Warar kalana waxay sheegayan in Hoggaamiyaha Tigreyga uu Magaalada Juba kula kulmay Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah al Sisi oo Sabtidii booqasho ku tagay dalkasi. Booqashada Madaxweyne Sisi waa middii ugu horeysay ee ebid uu ku taggo dalkaasi.

Safiirka Itoobiya ee uu fadhiya dalka Koonfurta Sudan, Fisseha Shawl ayaa isna Sabtidii ka tagay Magaalada Juba, iyadoo loo maleynayo inuu ku qaadacayo jooggitaanka Debretsion Gebremichael ee Caasimadda Juba.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12820 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: