Wararka

Qoraal ay oo saartay Kenya ayaa lagu sheegay in Kenya ay ixtiraameyso mabaad’ida …


Dowladda Kenya ayaa jawaab ka bixisay tallaabadii dowladda Soomaaliya ay dalkeeda uga saartay safiirkii Kenya Lucas Tumbo oo la amray in dib dalkiisa ugu laabto.

Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya ayaa sheegtay in dhinaca dowladda Soomaliya aysan marnaba ka helin wax xiriir ah oo ku saabsan go’aan ah in ay dalkeeda ka saareyso danjire Lucas Tumbo.

“Ficilkan waxaa loo sababeeyey eedeymo aan la xaqiijin, oo ku saabsan ‘faro-gelin Kenya ay ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya.’ Dowladda Kenya waxa ixtiraameysa mabaad’ida caalamiga ah, aaya-ka-tashiga, qarannimada, madax-banaanida siyaasadeed iyo sharafta dhuleed ee dhammana dalalka, gaar ahaan kuwa Afrika,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay sheegtay in go’aanka lagu eryey safiirka Kenya ay qaadatay “iyadoo ilaalinaysa madax banaanideeda qaran, kadib markii ay u muuqatay in Kenya si bareer ah ay u fara galinayso umuuraha gudaha Soomaaliya, gaar ahaan Jubaland.”

Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay dhiggeeda Kenya in ay madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe “ku cadaadinayso inuu fuliyo ajandaheeda siyaasadeed, taas oo carqaladaynaysa heshiiskii siyaasadeed ee doorashada Soomaaliya.”

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12820 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: