Wararka

Xildhibaano ka tirsan DG Puntland ayaa ugu baaqay inuu iscasilo guddoomiyaha baarlamaanka…


Xildhibaano katirsan barlamaanka Dowlad goboleedka Puntland ayaa ugu baaqay inuu iscasilo guddoomiyaha barlamaanka Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, iyagoo ku eedeeyay inuu ku fashilmay hoggaaminta golaha barlamaanka.

Xildhibaanada ayaa ku eedeeyay guddoomiyaha inuu kala qeybin ku sameeyay xildhibanada dhexdooda islamarkaana uu sameystay xulufo u gaar ah iyo maleyshiyaad uu ku cabsi galiyo xildhibaanada qeybtood, waa sida ay ku sheegeen hadalkii ay saxaafada siiyeen.

Waxay kaloo xildhibaanadu ku eedeeyeen inu mas’uul ka yahay fowdadii maanta ka dhacday xarunta barlamaanka, iyagoo sheegay xildhibaano isaga taageersanaa in ay mas’uul ka ahaayeen buuqa iyo gacan ka hadal golaha ka dhacay.

Guddoomiyaha barlamaanka ayaa horey ugu eedeeyay xildhibaanadan in rabshad ka dhex abuureen golaha barlamaanka, taasoo keentay in ay istaagto shaqadii ka socotay xarunta golaha.

Khilaafkan ka dhex abuurmay barlamaanka Puntland dhexdiisa ayaa kusoo beegmaya maalmo kadib markii barlamaanku meel mariyay in ajendaha laga saaro ka doodista heshiiska DP world ee dekeda Bosaso.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12820 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: