Wararka

Shir lagu tilmaamay wajigii labaad ayaa u furmay Midowga Musharixiinta doorashada…


Magaalada Muqdisho waxaa xalay ka furmay Wajigii labaad shir ay yeelanayaan Midowga Musharixiinta Doorashada 2020-21 oo dhawaan shir ugu soo dhamaaday Muqdisho ka soo saaray war-murtiyeed ka koobnaa 18 qodob.

Afhayeenka Midowga Musharixiinta Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa warbaahinta u sheegay in shirkan labaad uu noqonayo mid lagu gorfeynayo marxalada doorashada dalka iyo wixii ka soo baxay kulamo gaar gaar ah oo ay musharixiinta la yeesheen qaar ka mid ah madaxda dowlad gobolleedyada.

”Shirkan labaad ee noo furmay waa mid aynu -dabagal ku sameyneyo wixii ka qabsoomay qoddobadii aynu ka soo saarnay shirkii koowaad ee musharixiinta u soo dhamaaday, waxaana mar walba la hadalnaa madaxda dowlad gobolleedyada xubnaha ka ah dowladda dhexe, sidoo kale waxaa iska warqabnaa beesha caalamka oo aan ka wadahadalnaa sidii ay dalkani uga dhici laheyd doorasho xor ah oo xalaal” ayuu yiri Ridwaan Xirsi Maxamed

Musharixiintan ayaa wali ka biyo diidan hannaanka ay dowladda Soomaaliya u maamuleyso doorashada oo ay ku tilmaameen in aysan aheyn mid dhaxdhaxaad ah oo lagu wada kalsoonaan karo.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12840 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: