Wararka

Xildhibaano ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ayaa taageeray Guddiyada doorashooyinka…


Xildhibaano ka kala tirsan Barlamaanka labadiisa Aqal kana soo jeeda gobolada waqooyi oo gaaraya 47 xildhibaan ayaa sheegay in Guddoomiyaha Aqalka Sare aanu ku mutalin mowqifkiisa diidmo ee Guddiyada doorashooyinka dadban.

Xildhibaanadan oo soo saaray bayaan ay ku saxiixan yihiin, ayaa sheegay in ay taageersan yihiin guddiyada doorashooyinka, iyagoo caddeeyay habka loo maray dhismahooda inuu waafaqsan yahay heshiiskii siyaasadeed ee doorashada.

Waxay kaloo nasiib darro ku tilmaameen in siyaasiyiin ujeeddooyin siyaasadeed xambaarsan ay dariiq ka dhiganayaan doorashada xildhibaanada Gobolada Waqooyi.

Shabakada wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12775 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: