Wararka

Baarlamaanka DG Puntland ayaa kala laabtay xasaanada ilaa iyo sideed xildhibaan…


Baarlamanka dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta xasaanada kala laabtay tiro 8 Xildhibaan ah oo lagu soo eedeeyay falal ka dhan ah jebinta xeer hoosaadka Anshaxa gollaha wakiiladda dowlad goboleedka Puntland.

35 Mudane ayaa gacanta u taagay in xilka laga xayuubiyo oo kalsoonida lagala noqdo. Waxaa diiday saddex Mudane. Hal Xildhibaana ayaa ka aamusay.

Xildhibaanadaas oo magacyadoodu kala yihiin:-

1.Xildhinaan Cabdijamal Cismaan

2.Xildhibaan Cabdiqani surato

3.Xildhibaan Muuse Jajabsay

4.Xildhibaan Baduugaaye

5.Xildhibaan Maxamuud Maxamed Barre

6.Xildhibaan Saleeban Faarax.

7.Xildhibaan Cabdiraxman Dhoore

8.Xildhibaan Maxamud Axmed Caalim.

Ka hor intii aan laga ceyrin shaqada xubnahani waxaa fashilmay dadaalo ay wadeen guddiyo ka tirsan isla gudaha baarlamanka kuwaas oo xal u waayay eedeymaha loo haystay mudanayaashaan oo ay ka mid yihiin iska horkeen gollaha dhexdiisa, abaabulka fawdooyin laga soo maleegay gacmo ka baxsan siyaasada Puntland.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12859 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: