Wararka

Ciidamada Itoobiya ayaa gacanta ku dhigay seddax kunteenar oo hub iyo rasaas isugu…


Ciidamada Federaalka Itoobiya ayaa gacanta ku dhigay saddex kunteenar oo hub iyo rasaas isugu jira, ka dib hawlgal ay ka sameeyeen Magaalada Mekelle.

Hubka ayaa laga helay goobo ku yaala Magaalada Mekelle, waxaana la tuhunsan yahay in ay halkaasi ku keydsadeen Xoogaga TPLF ee Axadii lagala wareegay gacan ku haynta magaaladaasi.

Militariga Itoobiya ayaa sheegay in hubka la qabtay ay isugu jiraan qoryaha meelaha fog wax ka toogta, AK47, bambaanooyinka gacanta laga tuuro iyo rasaas fara-badan.

Sidoo kale kunteenaradan ayaa waxaa lagu arkay oo laga helay dareyska Ciidamada TPLF iyo kaararka aqoonsiga.

Tani waxay ku soo aadaysaa saacado ka dib, markii ay Dowladda Federaalka isu soo dhiibtay Keria Ibraahim, oo ka mid ahayd Saraakiisha sar sare ee TPLF.

Keria ayaa bishii June iska casishay xilka Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Itoobiya, ka dib markii Xukuumadda Addis Ababa ay dib u dhigtay doorashada guud ee dalkaasi, sababo ku aadan xanuunsidaha COVID-19.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12894 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: