Wararka

Dhacdo aad looga argagaxay nin hooyadii ku dilay toorey degmada Kaaraan ee Mogadishu…


Dhacdo aad looga argagaxay ayaa Nin magaciisa lagu sheegay Cabsiiye Caddaan waxaa uu tooreey ku dilay Hooyadii gurigooda oo ku yaala degmada Kaaraan meel aan ka fogeyn Isbitaalka Keysaney ee magaalada Muqdisho.

Gacan ku dhiiglaha ayaa la sheegay in muddo dheerba uu dalbanayay in loo iibiyo guri dhax ahaa oo laakiin hooyadii ay ka diiday dalabkiisa taasoo keentay markii danbe uu nafta dhaafiyo.

Waxaa sidoo kale dhacdadan ku dhaawacmay wiil la dhashay gacan ku dhiiglaha iyo qof kale oo ay daris ahaayeen oo u soo gurmaday in ay ka badbaadiyaan marxuumada.

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo markii danbe goobta tagay ayaa toogasho ku dilay Cabsiye Caddaan kadib markii uu isku dayay in uu ciidamada ku weerarro toorreydii uu ku dilay hooyadii.

Dhacdooyinka noocan ah ayaa ku badan magaalada Muqdisho iyo qeybaha kale ee dalka iyadoo dhawaan gobolka Shabeellaha Hoose la sheegay in gacanta lagu dhigay Nin Aabihii dil u geystay, waxaana dhamaan dadka falalka noocan ah ku kaca lagu tilmaamaa in ay yihiin kuwo ay balwadu madaxmartay oo isticmaala waxyaabaha maanka dooriya.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12802 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: