Wararka

Facebook ayaa ku dhawaaqday inay ka bilaabi doonto News tap dalka Ingriiska oo lacago lagu…


Facebook ayaa ku dhawaaqday inay ka bilaabi doonto calaamada “News tab” dalka Ingriiska bisha soo socota ee Janaayo, tallaabadaas oo la filayo in shirkadda ay ku bixiso malaayiin dollar sanad walba daabacayaasha ruqsada qoraalladooda, sida uu qoray wargayska The Guardian ee Ingiriiska.

Farriin qoraal ah oo lagu shaacinayo daahfurka, Facebook ayaa waxay ku sheegtay ujeedku inuu yahay in la caawiyo daabacayaasha si ay u ballaariyaan taageerayaashooda, taas oo ka faa’iideysan kara macaamiil badan iyo dakhliga dhinaca xayeysiiska.

Daabacayaasha, ayaa qaybta ugu muhiimsan ee adeegga waxay u badan tahay lacagaha Facebook ay sheegtay inay bixinayso si loogu faa’ideysto waxyaabaha ku jira wararkooda.

Facebook ayaa diiday inay sheegto inta lacag ee la filayo inay bixiso qeyb ka mid ah qorshahan, laakiin wargeyska The Guardian ayaa soo wariyay in qaar ka mid ah daabacayaasha ay rajeynayaan inay adeeggan ka helaan lacag dhan malaayiin dollar sanadkii, iyadoo qiimaha guud ahaan ee Facebook bixineyso uu gaarayo tobanaan milyan oo dollar.

Facebook ayaa sheegtay inay shirkad la noqotay in ka badan 10 madbacadood, sida “Guardian Media Group”, “The Economist” iyo “The Daily Mirror”, iyo kuwo kale.

Inta badan sida ay ugu shaqeyso News tab ee Mareykanka, waxaa kujira sheekooyin isku dhafan iyo kuwo shaqsiyadeed.

Sarah Brown, oo ah madaxa iskaashiga wararka ee Facebook ee Waqooyiga Yurub, ayaa sheegtay in wariyeyaasha warka ku baahiya Facebook ay ka doonayaan warbixin tayo leh iyo inay ogaadaan ilaha maqaalladaha wararka ee shaqsiyadeed marka ay dooranayaan maqaallada ay muhim tahy inay wax ku muujinayaan.

Calaamada “News tap” waxaa si rasmi ah looga bilaabay Mareykanka horraantii sanadkan, shirkadduna waxay sheegtay in boqolkiiba 95 dadka booqda boggaga daabacayaasha ay ka heleen adeeg uu ka yimid macaamiil cusub.

Shirkadda ayaa sheegtay bishii Agoosto ee la soo dhaafay inay ka fikireyso inay ku ballaariso adeegga dalal badan oo ay ka mid yihiin Boqortooyada Ingiriiska, Jarmalka, Faransiiska, Hindiya iyo Brazil sanadka soo socda.

Shirkadda Facebook ayaa maanta shaacisay inay wado wadaxaajoodyo firfircoon oo lagu doonayo in adeeggan looga hirgaliyo dalalka Faransiiska iyo Jarmalka, iyadoo aan la xusin dalalka Brazil iyo Hindiya.

Marka laga soo tago calaamada “News tap” ee Boqortooyada Ingriiska, Facebook wuxuu sheegayaa inuu balaarinayo mashruuciisa wararka bulshada, kaasoo maalgeliyey tababarka 80 wariye labadii sano ee la soo dhaafay.

Barnaamijka ayaa lagu kordhiyay muddo sanad ah oo ay ku baxayso $ 3 milyan oo dollar, taas oo siin karta sanad dheeraad ah oo tababar ah in ka badan kala bar saxafiyiinta hadda ku jira barnaamijka, marka lagu daro tababarida tobanaan wariyeyaal cusub.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12777 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: