Wararka

Kooxda Paris St. Germain ayaa dib u furtay tartanka Group-ka H ee Champions League…


Kooxda Paris Saint-Germain ee Fransiiska, ayaa u dib u furtay tartanka Group H ee loogu soo bixi lahaa wareega 16ka ee Champions League, ka dib guushoodii qaaliga ahayd ee 3-1 ay uga badiyeen kooxda Manchester United ee England Arbacadii wareega shanaad ee group-ka, taasoo sidoo kale guul weyn ay gaartay kooxda Jarmalka Leipzig 4-3, iyadoo ay ka badisay kooxda Turkish-ka ee Basaksehir.

Sidaasi darteed, Manchester United iyo Paris St. Germain iyo Leipzig ayaa wada leh min 9 dhibcood, laakiin farqiga goolasha ayey ku kala horeeyaan keliya, halka Basaksehir gabi ahaanba tartanka ka baxday oo ay macasalaameysay ka qeybgalkiisa tartamada Yurub, ka dib markii ay ku nagaatay halka ugu hooseysa Kala sareynta oo leh 3 dhibcood.

Kulankii Old Trafford, Paris Saint Germain ayaa ku hormartay gool uu u dhaliyay Neymar daqiiqadii lixaad, laakiin Marcus Rashford ayaa u barbareeyay United daqiiqadii 32aad.

Manchester United ayaa iska lumisay fursado badan oo ay heleen bilowgii qeybtii labaad, ka dib markii Paris Saint Germain ay labo gool u kala dhaliyeen Marquinhos iyo Neymar daqiiqadii 69aad iyo tii ugu horeysay ee waqtiga dheeriga ah ee lagu daray ciyaarta.

Kooxda Ingiriiska ayaa lagu qasbay inay ku ciyaaraan 10 ciyaartoy, laga bilaabo daqiiqadii 70aad, ka dib markii ciyaaryahanka reer Brazil, Fred, casaan la siiyay, ka dib markii uu helay digniintii labaad.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12777 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: