Wararka

Magacaabista Yuusuf Garaad ayaa Somaliland ku tilmaamtay faragalin qaawan iyo dagaal…


Somaliland ayaa war ka soo saartay magacaabistii madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u magacaabay Yuusuf Garaad Cumar Ergeyga gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

“Magaacabista Ergayga u qaabilsan Geeska Afrika, Badda Cas, iyo Gacanka Cadmeed ee maamulka Muqdisho waa riyo maalmeed iyo sheegasho caalwaa ah, ujeedada laga leeyahayna waa sidii loo marin habaabin lahaa aragtida iyo fahanka bulshada caalamka ee ku wajahan qaddiyadda madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland” ayaa lagu yiri qoraalkaasi.

Magacaabista ayey sidoo kale Somaliland ku tilmaamtay in ay tahay fara-galin qaawan iyo dagaal siyaasadeed ka dhan ah xukuumadeeda.

Hoos ka akhriso Qoraalka :

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12868 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: