Wararka

Madaxii al-Shabaab u qaabilsanaa dilalka qorsheysan ayaa la sheegay in gacanta lagu dhigay…


Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howl-gal qorsheysan oo saacadihii la soo dhaafay Ciidamada Dowladda Soomaaliya ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Hoose.

Gaar ahaan howlgalkan oo ay ciidamada dowladda ka sameeyeen degmada Wanlaweyn iyo deegaanno hoos tagga ayey sheegeen saraaakiisha ciidamada in ay gacanta ku dhiggeen madaxii dilalka qorsheysan u qaabilsanaa Al-Shabaab oo magaciisa lagu sheegay Maxamuud Maxamed Sheekh Cali.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka oo ka warbixiyey howl-galkaasi ayaa sheegay in sarkaalka la qabtay uu Al-Shabaab u qaabilsanaa dilalka qorsheysan.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan soo qabashada sarkaalkaasi.

Ugu danbeyntii Ciidamada Dowlada ayaa maalman kordhiyey howl-gallada iyo dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Koonfurta iyo Bartamaha dalka.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12893 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: