Wararka

Nin Kalluumeysato ah oo u dhashay Thailand ayaa helay Cambar qiimihiisu yahay $3.2 million…


Nin Kalluumeysato ah oo maskiin ahaa una dhashay dalka Thailand ayaa helay Cambar weyn, oo ay warbaahintu ku tilmaamtay tan ugu weyn adduunka, oo ay mowjadaha badda ku soo tuureen xeebta.

Dadka isticmaala baraha bulshada ayaa wadaagay cajalad fiidiyow ah oo muujineysa kalluumeysataha reer Thailand oo helay gabal aad u weyn, oo uu ka helay xeebta, isagoo markii hore u maleeyay inay tahay dhagax, laakiin markii dambe uu ogaaday inay tahay xabbad ama gabal qiimo leh.

Sida laga soo xigtay warbaahinta, culeyska gabalkan oo uu helay kalluumeystaha “nasiibka badan” sida ay ku sifeysay waa 100 kiilo, qiimihiisana waxaa lagu qiyaasay 3.2 milyan oo dollar.

Cambarka waxaa loo tixgeliyaa mid ka mid ah dheecaannada ka soo baxa nibiriga, waxaana loo adeegsadaa soo saaridda noocyada ugu qaalisan ee cadarka caalamiga ah.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12859 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: