Wararka

Macalinkii ku guuleystay abaalmarinta macalinka sanadka ayaa kala bar lacagtaasi ugu…


Macalin lagu magacaabo Ranjitsinh Disale, una dhashay dalka India ayaa loo aqoonsaday macalinka sanadka, ka dib markii uu ku guuleystay abaalmarin hal milyan oo dollar ah ($1,000,000), tartan loo qabtay macalimiinta adduun oo dhan, balse ay isugu soo harayn illaa toban macalin.

Macalinkan oo wax-ka-dhigga Dugsiga Hoose/dhexe ee Zilla, ee ku yaala xaafadda Paritewadi ee Degmada Solapur ee Gobolka Maharashtra ayaa lagu ammaanay in shaqo dheeri ahi uu la yimid.

Abaalmarinta Macalinka Caalamiga ayaa waxaa bixisay Hay’adda Varkey Foundation, taasoo iskaashi la leh Hay’adda Waxbarashada Qaramada Midoobey ee UNESCO.

Munaasabad khadka Internet-ka oo Khamiistii lagu qabtay Matxafka Taariikhda Dabiiciga ee Magaalada London ayaa cidda ku guuleysatay abaalmarintaasi waxaa ku dhawaaqay jilaaga Stephen Fry.

Hay’adda Varkey Foundation ayaa macalinkaasi ku ammaantay in uu wax ka bedelay nolosha gabdhaha wax-ka-barta Dugsiga Zilla.

Ranjitsinh Disale oo muuqaalka foggaan-aragga kaga qaybgalay munaasabadaasi ayaa ku dhawaaqay in kala bar lacagtaasi uu ugu yaboohay sagaalkii macalin ee kale ee tartanka kula jirtay, si ay iyana farxadda u dareemaan, iyadoo macalin kastana ay ku soo aadeyso in ka badan shan iyo konton kun oo dollar ($55,000).

“Waxaan aaminsanahay haddii aan la qaybsado lacagtan abaalmarinta sagaalka macalin ee kale, in ay macnaheedu tahay inaan sare u qaadi karo shaqadooda. Shaqadooda cajiibka ah weli way mudan tahay. Haddii aan lacagta abaalmarinta la wadaago macalimiintaasi waxay heli doonaan fursad ay ku sii wadaan shaqadooda, waana gaari karnaa oo aan fududayn karnaa nolosha inta arday ee aan kari karno.” Ayuu yiri Ranjitsinh Disale.

Varkey Foundation ayaa sheegtay in markii ugu horeysay ay noqoneyso in macalin guuleystay uu kala bar abaalmarintii uu ku guuleystay in uu ugu deeqo kuwii kale ee tartanka kula jiray, tan iyo markii kor loo qaaday abaalmarintaasi, sanadkii 2014.

“Tani waa markii ugu horeysay taariikhda Abaalmarinta Macalinka Caalamiga ah ee lixda sano in guud ahaan guuleyste uu la wadaago lacagta abaalmarinta kuwa kale ee isugu soo haray tartanka.” Ayay tiri hay’addu.

Disale ayaa laga soo xushay in ka badan 12,000 oo macalin iyo codsiyo ka kala yimid in ka badan 140 wadan dunida oo dhan.

Boris Johnson, Ra’iisal Wasaaraha Britain oo booriyay shaqada macalimiinta ayaa yiri “Inkastoo aan kula hadlayo duruufo adag oo mararka qaar qalbi jab leh, waa sax inaan waqti qaadano, si aan u aqoonsano waxtarka weyn iyo naf huridda macalimiinta adduunka, intii lagu jiray cudurkan faafa ee COVID-19.”

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12840 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: