Wararka

Mudaharaad looga soo horjeedo diidmada lacagta shillinka Soomaaliga ayaa ka socda Garowe…


Mudahaarad xoogan oo loogasoo horjeedo diidmada lacagta shilinka Soomaaliga iyo sicir bararka ayaa saakay ka socda magaalada Garowe ee caasimadda Puntland, waxaana gabi ahaanba albaabada loo xiray xarumaha ganacsiga.

Dadweynaha mudaharaadaya ayaa maamulka ku eedeeyay inuu mas’uul ka yahay dhibaatada culus ee Puntland ka jirta, iyagoo u sababeeyay go’aan uu dhawaan madaxweyne Deni ku joojiyay in canshuurta ilaha dakhliga lagu bixiyo shilin Soomaali.

Dadweynaha iskusoo baxay ayaa dalbanaya in maamulku wax ka qabto dhibaatada jirta islamarkaana uu dib uga laabto go’aamada mugdiga galinaya lacagta Soomaaliga ah.

Mudaharaadkan ayaa kusoo beegmaya kadib markii uu xalay dhaqan galay go’aan lagu soo rogay shirkaddaha bixiyaha adeega lacagaha moobaylada la iskugu diro, go’aankaas oo ah in aan la isku diri karin hal dollar iyo wixii ka yar.

Sicir bararka Puntland ka jira ayaa sii xoogaystay kadib markii ay mugdi gashay isticmaalka lacagta shilinka Soomaaliga, iyadoo Puntland ahayd meesha kaliya ee Soomaaliya aan waligeed laga diidin lacagta Shilinka Soomaaliga.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12840 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: