Wararka

Ambassador James Swan ayaa walaac ka muujijey muranka hareeyey doorashada 2020/21…


James Swan, Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Somalia ayaa ku baaqay in shir isugu yimaadaan Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada.

Wakiilka oo walaac ka muujiyay muranka hareeyay doorashada lagu wado in dalka ka dhacdo 2020/21 ayaa sheegay in loo baahan yahay in laga gudbo wax kasta oo caqabad ku keeni kara.

Wakiilka oo ka hadlayay shirkii maanta Magaalada Muqdisho uga furmay Somalia iyo Beesha Caalamka ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay in doorashada waqtigeeda ku dhacdo, isla-markaana ay ka qayb galaan dhammaanba daneeye-yaasha siyaasadda ee dalka.

James Swan ayaa sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay in doorashada ay noqoto mid loo dhan yahay, heshiis-na lagu yahay.

Muranka hareeyay doorashada ayaa soo ifbaxay, ka dib markii daneeye-yaasha siyaasadda qaarkood ay ka horyimaadeen Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka qaarkood, sababo ku aadan iyagoo ku andacooday in ay ka tirsan yihiin Saraakiisha Hay’adda NISA iyo Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah qaarkood.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12777 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: