Wararka

Ambassador Yamamoto ayaa ka hadlay muranka hareeyey doorashooyinka lagu wado inay…


Safiirka Mareykanka ee Somalia, Amb. Donald Yamamoto ayaa ka hadlay muranka badan ee hareeyay doorashooyinka lagu wado in dalka ka dhacaan 2020/21.

Safiirka oo ka hadlayay shirkii maanta Magaalada Muqdisho uga furmay Somalia iyo Beesha Caalamka ayaa marka hore sheegay in loo baahan yahay in doorashada waqtigeeda lagu qabto, lana fuliyo heshiiskii Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ku gaareen Magaalada Muqdisho.

Safiirka ayaa si kulul u sheegay inaanan qofna laga ogolaan doonin in siduu doono uu u qabsado amaba u maamusho doorashooyinka guud ee dalka.

Donald Yamamoto ayaa carabka ku adkeeyay inaanan dalka laga abuuri karin doorashooyinka is barbar-socda, oo hal doorasho oo keliya ay tahay inay ka qabsoomto. Waxa uu intaa ku daray in Mareykanka uu la xisaabtami doono, ciddii loo arko inay wiiqeyso hufnaanta doorashada.

Amb. Yamamoto ayaa soo hadalqaaday in Xukuumadda Washington ay dhaqaale badan ku bixisay dib u dhiska Dowladnimada Somalia, wixii horumarkeeda caqabad ku ahna ay la xisaabtami doonaan.

Yamamoto ayaa tibaaxay in doorashada oo xumaataa ay khatar ku tahay horumarkii la gaaray sanadihii ugu dambeeyay, taasina ay fursad u siin doonto in Shabaabku xoogeystaan.

Hadalka ka soo yeeray Danjiraha Mareykanka ee u fadhiyo dalka ayaa noqonaya kiisii ugu adkaa ee loo jeediyo dhinacyada ugu tunka weyn ee siyaasadda dalka.

Shabakada wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12859 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: