Wararka

Deni: Dowladda Federaalka waa inay ciidamadeeda jooga Garbahaaray kala baxdaa si…


Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka inay cadaadiska ciidan ka dulqaado Gobolka Gedo, si ay dowlad goboleedka Jubbaland u qabato doorasho madax bannaan oo lagu soo dooranayo xildhibaanada Golaha Shacabka.

“Dowladda Federalka waa inay ciidamadeeda jooga Garbahaareey kala baxdaa, si ay Jubbaland u qabato doorasho xor iyo xalaal ah,” ayuu yiri madaxweyne Deno oo ka hadlayay shirka iskaashiga beesha caalamka iyo Soomaaliya.

“Jubbaland waxay leedahay awood sharci oo ay doorashadeeda ku maamulan karto, si lamid ah dowladdaha xubnaha Dowladda Federalka, arintani waxay caqabad ku tahay in la gaaro doorasho xor ah,” ayuu sii raaciyay madaxweyne Deni.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale ku baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan kulan u yeeshaan hoggaamiyaasha Dowladda Federalka iyo dowlad goboleedyada, si ay wax iskaga weydiiyaan walaaca laga muujinayo doorashada iyo sidii geeddi socodka doorashada loo sii dargar galin lahaa.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12840 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: