Wararka

Dowladda Somalia ayaa ku soo rogtay amar dal ku gal dadka wata baasaboorka Kenya…


Dowladda Somalia ayaa soo saartay amar sheegaya laga bilaabo 13-ka bishan in dal-kugal looga baahan yahay dadka wata basaboorka dalka Kenya ee imaanaya dalka.

Hay’adda Socdaalka & Jinsiyaha Somalia ayaa soo saartay wargelin ku wajahan dadka ku safraya basaboorka dalka Kenya iyo kuwa kale ee wata basaboorka diblomaasiga ee dalkaasi.

Akhriso wargelinta ay soo saartay Hay’adda Socdaalka oo u qorneyd sidatan:-

Wargelin muhiim ah

“Iyada oo la fulinayo Siyaasadda Dowladda Federaalka ah ee xaqiijinta amniga, hagaajinta socdaalka dalka iyo yaraynta khataraha caabuqa COVID-19, laga bilaabo December 13, 2020, dadka ku safraya basaboorka Kenyanka ah ee doonaya in ay soo galaan dhulka Jamhuuriyadda Federaalka ee Somalia waxa looga baahan yahay dal-kugal, waxayna ka soo qaadan karaan Safaaradaha Somalia.”

“Muwaadiniinta Kenyanka ah ee ku safraysa basaboorka diblomaasiga ah waxaa looga baahan yahay ogolaanshiyaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Federaalka Somalia.”

“Cid kasta oo ay khuseyn karto waxa laga rajeynaya in ay fulin doonaan ujeedada wargelinta.”

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12907 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: