Wararka

RW Somalia ayaa sheegay inuu safaro ku soo kala bixin doono Puntland,Galmudug iyo Jubbaland…


Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisal Wasaaraha Somalia ayaa maanta sheegay in uu safaro ku soo kala bixin doono Magaalooyinka Garoowe, Gaalkacyo, Dhuusamareeb iyo Kismaayo.

Ra’iisal Wasaaraha Somalia oo ka hadlayay Shirka Somalia iyo Saaxiibada Caalamka ayaa muujiyay in socdaalkiisu uu la xiriiro arrimaha doorashooyinka ee dalka.

“Safarkeyga ayaa hadda ku wajahan sidaan ku heshiinay Madaxweyne Deni inaan ku gaaro Garoowe, haddii Alle idlmo, oo aan kala hadlo arrimaha doorashooyinka. Sidoo kale aan soo maro Gaalkacyo, aan ku xijiyo Dhuusamareeb, ka dibna Madaxweyne Axmed Madoobe waxaan ku heshiinay marka uu ku soo noqdo Kismaayo inaan toos u aado halkaa, isaga ayaana uga fadhiyaa.” Ayuu yiri Rooble.

Madaxda Dowlad Goboleedyada qaarkood ayaa muuqaalka foggaan aragga uga qayb galay shirkaasi, waxaana khudbado ka jeediyay Madaxwene-yaasha Jubbaland iyo Puntland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug.

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweynaha DG Jubbaland ayaa shirka ka sheegay inaanay wax doorasho ahi ka dhici doonin Gobolka Gedo, illaa iyo inta gacanta Jubbaland dib looga soo celinayo gobolkaasi.

Madaxweynaha DG Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa isna ku baaqay in Dowladda Federaalka ay Gobolka Gedo ku wareejiso Maamulka Jubbaland, si Jubbaland u maamusho doorashada Golaha Shacabka ee lagu qabanayo Magaalada Garbahaarey.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12858 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: