Wararka

Biden ayaa markii ugu horeysay nin madow ah u magacaabay Xoghayaha Gaashaandhigga…

FILE - In this Sept. 16, 2015, photo, U.S. Central Command Commander Gen. Lloyd Austin III, testifies on Capitol Hill in Washington. Biden will nominate retired four-star Army general Lloyd J. Austin to be secretary of defense. That's according to three people familiar with the decision who spoke on condition of anonymity because the selection hadn't been formally announced. (AP Photo/Pablo Martinez Monsivais, File)

Joe Biden, Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka ayaa markii ugu horeysay nin madow ah u magacaabay inuu noqdo Xoghayaha Wasaaradda Gaashaandhigga ee Mareykanka.

General Lloyd Austin oo janan hawlgab ah ayaa hoggaamin doono Waaxda Gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon-ka. Jananka oo 67 jir ah ayaa noqonaya qofkii ugu horeeyay oo madowga Mareykanka ah oo loo magacaabo xilkaasi.

Warbaahinta CNN ayaa ku warameysa in Joe Biden uu General Lloyd Austin u soo bandhigay xilkan, isla-markaana uu ka qaybgalay.

General Lloyd Austin ayaa horey u soo hoggaamiyay Taliska Dhexe ee Mareykanka, xilligii Madaxweyne Barack Obama.

General Austin ayaa intii u dhaxeysay 2013-2016 hoggaaminayay Taliska Dhexe ee Mareykanka, isagoona dowladdiisa uga mas’uul ahaa Aasiyada Dhexe, Bariga Dhexe iyo Koonfurta Asia.

Tallaabada lagu soo magacaabay jananka ayaa ku soo aadaysa, laba toddobaad ka dib markii Mr. Biden uu magacaabay xubno kaloo sar sare, oo ka mid noqonaya Guddiga Amniga Qaranka ee Mareykanka.

Magacaabidda Xoghayaha cusub ee Wasaaradda Difaaca ayaa imaaneysa, xilli ay sii kordhayaan baaqyada ka imaanaya taageere-yaasha Xisbiga Dimoqraadiga iyo qowmiyadaha madowga, ee Biden looga dalbanayo in dadka laga tirada badanyahay iyo haweenkaba uu xilal sar sare uga magacaabo Golihiisa Wasiirada.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12907 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: