Wararka

Haweenay 90 jir oo British ah ayaa noqotay qofkii ugu horeeyey ee qaata tallaalka Covid-19…


Wadanka Britain waxaa maanta ka billaabatay tallaalka cudurka COVID-19 kadib markii dalkaasi uu noqday dalkii ugu horreeyey dunida ee ansixiya tallaalka Pfizer iyo BioNTech.

Haweenay 90 jir ah oo lagu magacaabo Margaret Keenan ayaa tallaalkan qaadatay, waxaana la saadaalinayaa ilaa 4 milyan oo qof in ay qaataan tallaalka ilaa dhammaadka bishan.

Qofkan ayaa noqonaya caalamka oo idil ruuxii ugu horreeyay ee la siiyo tallaalkan oo la aaminsan yahay in uu xijaab u noqonayo cudurkan.

Guud ahaan waxaa uu qorshuhu yahay in la talaalo ilaa 40 malyuun oo qof, halka Waaxda caafimaadka ay u yeeri doonto qofka la talaalayo.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12840 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: