Wararka

Maxkamada dowlad goboleedka Puntland ayaa mudeysay dhageysiga dacwada u dhaxeysa…


Maxkamada sare ee dowlad goboleedka Puntland ayaa mudaysay dhegaysiga dacwada u dhaxaysa xildhibaano katirsan Puntland oo sheegay in sifo sharci darro ah xilka looga qaaday iyo xeer ilaaliyaha guud ee Puntland oo kusoo oogay dambiga xasaanada ay ku waayeen.

Maxkamadu waxay sheegtay in dacwadu billaaban doonto 10ka bishan, iyadoo ka dhici doonta magaalada Garowe ee caasimadda dowlad goboleedka Puntland.

Sideeda xildhiaan ee dacwada qeybta ah ayaa horey uga soo horjeestay xukunka lagu riday, iyagoo sheegay in guddoonka barlamaanka uu ku xad gudbay sharuucda dastuuriga ah ee tilmaamaysa habka xildhibaanku ku weyn karo xubinimadiisa.

Go’aanka maxkamada ayaa kusoo aadaya, xilli sidoo kale xildhibaanadan ay dacwad u gudbiyeen Dowladda Federalka Soomaaliya iyo beesha caalamka, iyagoo dacwadooda ku sheegay in madaxweyne Deni uu afduubay madax bannaanidii golaha sharci dajinta.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12802 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: