Wararka

Nin Talyaani ah oo khilaaf dhex maray xaaskiisa ayaa ka tagay guriga kadibna socday 450km…


Nin Talyaani ah ayaa ka tagay gurigiisa isagoo raadinayo meel uu ku dego kadib markay is khilaafeen xaaskiisa, wuxuuna ku dhamaaday inuu socodo masaafa gaareysa 450 kiiloomitir.

Baraha bulshada ayaa waxay ugu yeereen “Forrest Gump”, kadib filimkii caanka ahaa ee jilaaga reer Mareykan Tom Hanks uu kumanaan mayl ku dhex maray Mareykanka oo dhan.

Booliiska ayaa wuxuu joojiyey socodkii naxdinta lahaa ee ninkan 2-dii subaxnimo ee magaalada Fano oo ku taal xeebta Adriatic, toddobaad ka dib markii uu ka tagay magaalada Como ee waqooyiga Talyaaniga.

Maamulka ayaa ku soo rogay ganaax dhan 400 oo euro kadib markii uu jabiyay bandowga lagu soo rogay xakameynta faafitaanka fayraska Corona.

Joornaalka ka soo baxa Bologna, El Resto del Carlino, ayaa ahaa kii ugu horeeyey ee soo tabiya sheekada ninkan, oo markiiba ku baahday warbaahinta kale ee Talyaaniga.

Dadka wax ku qora baraha bulshada ayaa ku ammaanay ninkan inuu yahay geesi, waxayna dhaliileen ganaaxa lagu soo rogay. Mid ka mid ah ayaa yiri waa in la abaalmariyaa, oo aan la ganaaxin, oo la siiyaa kabo cusub.

Mid kale ayaa ku amaanay socodka inuu ku qaboojiyo caradiisa, halkii uu ka aadi lahaa rabshad.

Ninka ayaa booliska u sheegay, “Waxaan halkaan ku imid cagahayga, ma aanan adeegsan wax gaadiid ah,” wuxuuna u sheegay in intuu socday uu la kulmay dad siiya cunto iyo cabitaan.

Wuxuu raaciyay, “Waan fiicanahay, laakiin xoogaa waan daalay.”

Ninkaasi ayaa wuxuu lugeyn jiray 60 kiilomitir maalintiiba.

Booliisku waxay ka heleen isagoo iska socda oo aan lahayn jaho uu ku socdo habeen qabow wadada weyn ee xeebta.

Kadib markay hubiyeen xogtiisa shaqsiyadeed, waxay ogaadeen in xaaskiisa ay booliska ku wargelisay maqnaanshihiisa. Way u yeereen waxayna ugu timid Fano si ay uga soo qaado.

Warbaahinta ma aysan xusin sida ay xaasku uga falcelisay warka ku saabsan ganaaxa.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12809 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: