Wararka

Xildhibaano reer Puntland oo dhawaan laga xayuubiyey xasaanada ayaa dacwad ka…


8 xildhibaan oo ka tirsanaa barlamaanka dowlad goboleedka Puntland, kuwaas oo dhawaan xasaanadii laga xayuubiyay ayaa Dowladda Federalka Soomaaliya iyo beesha caalamka u gudbiyay dacwad ka dhan ah madaxweyne Deni.

Waxay ku eedeeyeen inuu soo abaabulay mooshin sharci darro ah oo iyaga xilka loo xayuubiyay, iyagoo sheegay in loogu hanjabay maxkamadayn iyo xarig sharci darro ah.

Waxay ku eedeeyeen madaxweyne Deni inuu faro galiyay shaqada golaha sharci dajinta uuna ku tuntay isla xisaabtankii dastuuriga ahaa iyo madaxbanaanida hay’adda garsoorka oo uu ka dhigtay kuwa isaga rabitaankiisa ku shaqeeya.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12907 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: