Wararka

Afar nin oo loo heysto kiis dil ah ayaa lagu xukumay inay bixiyaan magta marxuumka…


Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland ayaa maanta soo geba-gabeysay dhageysiga kiis dil ah, oo loo haystay afar ka mida Ciidamada Dhulka ee Jubbaland.

Askartan ayaa lagu helay in jirdil ay u gaysteen marxuum Nuur Maxamed Cabdulle uu u geeriyooday nabaro ka soo gaaray jirdilkaasi.

Maxkamaddu waxay sheegtay in ay heshay cadeymo ku filan, waxayna xukmisay in eedeysaneyaasha ay bixiyaan magta marxuumka.

Magta marxuumka oo lagu sheegay in ay u dhiganto konton kun oo dollar ($50,000) ayaa waxay maxkamaddu xukmisay in $30,000 oo ka mida ay bixiyaan ehelada askarta, halka $20,000 ay bixineyso Hay’adda Dhulka ee Jubbaland.

Xukunka maxkamadda oo maanta ka dhacay Magaalada Kismaayo ayaa waxaa goobjoog ahaa ehelada eedeysaneyaasha iyo kuwa dhibanaha.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12775 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: