Wararka

Ciyaartii PSG iyo Basaksehir ayaa xalay la joojiyey kadib markii garsooraha afraad lagu…


Ciyaartii u dhaxeysay Paris Saint-Germain iyo Basaksehir ee Tukey ee Champions League, ayaa dib u bilaaban doonta Arbacada, ka dib markii la joojiyay Talaadadii, ka dib markii garsooraha afaraad lagu eedeeyay inuu adeegsaday ereyo cunsuriyad ah.

Kooxda Başakşehir ee ka dhisan dalka Turkiga ayaa sheegtay in garsooraha afaraad Sebastian Kultesko uu adeegsaday luuqad cunsurinimo ah isagoo ula jeeda ku xigeenka tababaraha Pierre Weibo.

Garsoorihii ciyaarta ayaa ceyriyey Weibo oo reer Cameroon ah ka dib markii ay ku murmeen khadka taabashada.

Ciyaartoyda Basaksehir ayaa garoonka ka baxay iyagoo mudaaharaadaya, kahor inta aysan ciyaartooyda Paris Saint-Germain iyaguna raacin.

Shilka ayaa yimid daqiiqadii 14-aad ee ciyaartii labada koox ee Group H ee Champions League, markaasi oo natiijada ciyaarta aheyd 0-0.

Dhanka kale Barcelona ayaa gurigooda lagu jajabsaday kadib markii ay kulmeen Juventus oo hogaaminayo Ronaldo, waxaana looga badiyey 0-3. Inkastoo labada kooxood ay ka soo baxeen group G, waxayna ku soo wada baxeen min 15 dhibcood.

Dhinaca kale kooxda reer Jarmal RB Leipzig ayaa si aan la fileynin uga badisay kooxda Manchester United oo 3-2 ku kala baxeen, kooxda Jarmalka ayaa ilaa iyo hadda ka soo baxday group H, Rajada Manchester United waxay ku xiran tahay ciyaarta caawo ay yeelanayaan kooxaha PSG iyo Basaksehir oo xalay dib loo dhigay.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12859 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: