Wararka

Dowladda Somalia ayaa dalbatay in aan la soo faragelin go’aamada ay ka qaadato dalalka…


Dowladda Soomaaliya ayaa ka dalbatay beesha caalamka in aan la soo fara-galin go’aamada ay dowladda Soomaaliya ay ka qadaneyso dalalka dariska ah, gaar ahaan muran siyaasadeedka xiliggan kala dhaxeeya dowladda Kenya.

Wasiirka Wasaarradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Abubakar ayaa ka sheegay soo xiritaankii shirka iskaashiga Soomaaliya iyo Beesha caalamka in aan la soo faragalin go’aamada dowladda Soomaaliya ay ka qaadaneyso siyaasada arrimaha dibadda iyo la macaamilka dowladdaha dariska ah.

Hadalka Wasiirka ayaa u muuqday mid jawaab u ahaa codsi ka yimid wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga oo dalbaday in la khafiifiyo xiisada u dhaxeysa labada dal Soomaaliya iyo Kenya.

“Mar walba dowladda Soomaaliya waxaa ay xushmeyneysaa madax-bannnaanida iyo midnimada dhulleed ee dowladdaha dariska la ah” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan dalkeeda ka saartay safiirkii Kenya ee Soomaaliya, kadib markii ay dowladda Soomaaliya ku eedeysan Kenya in ay fara-galin qaawan ku heyso siyaasadda arrimaha gudaha Soomaaliya, laakiin Kenya dhinaceeda arintaa waa ay beenisay.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12810 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: