Wararka

RW Abiy ayaa booqasho labo maalmood uga bilaabatay magaalada Moyale ee dalka Kenya…


Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa booqasho labo maalmood uga bilaabatay dalka Kenya, isagoo goordhow gaaray magaalada Moyale ee ku taala xuduuda waqooyi bari Kenya.

Abiy Ahmed iyo Uhuru Kenyatta ayaa kulan ku leh magaalada Moyale, waxaana ay si wadajir ah xariga uga jari doonaan mashruuc wado ee ka baxda Kenya, isla markaana aada Itoobiya, iyadoo wadadan fududeyn doonto isu socodka ganacsiga labada dal.

Kulanka Abiy iyo Uhuru ayaa ku soo aaday xilli aad u muhiim ah oo xaalada siyaasadeed ee gobolka ay meel xasaasi ah mareysa,

Waxaa la filayaa in labada hoggaamiye ka wada hadlaan arrinta Soomaaliya oo labada dal ciidamo ka socda ay ka joogaan, oo ay qeyb ka yihiin howlgalka Midowga Afrika.

Waa safarkii u horreeyay ee dibadeed Ra’iisul Wasaare Abiy uga baxo dalkiisa, tan iyo markii ay bilaabatay xiisada dagaal ee Gobolka Tigray oo Ciidamada Milateriga dowladda Itoobiya ay awood ku maquuniyeen Jabhadda TPLF.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12820 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: