Wararka

Sarkaal ka tirsan dowladda Itoobiya ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay dileen shaqaale…


Redwan Hussien oo ka mid ah saraakiisha sare ee dowladda Itoobiya, ayaa Talaadadi shalay isaga oo ku sugan magaalada Addis Ababa wariyaasha u sheegay, in ciidamada difaaca Qaranka Itoobiya dileen shaqaale ka tirsanaa Qarramada Midoobey.

Dhacdadan ayuu sheegay in ay dhacday Axadii xilli ay shaqaalaha Qaramada Midoobay isku dayayeen in ay gaaraan xerada qaxootiga ee Shimelba oo ay daganyihiin qaxooti Eritrean ah.

Wuxuu sheegay in ciidamo ka tirsan millatariga Itoobiya ay rasaas ku fureen shaqaalaha UN-ka, kadib marki ay isku dayeen in ay ka gudbaan bar koontarool, waxyar kadib marki ay soo dhaafeen laba bar koontarool oo kale.

Ugu danbeyntii wuxuu sheegay in aan la ogoleyn in ay barta koontarool laga gudbo balse waxaa ay go’aansadeen in si qar-iskatuur-nimo ah halkaasi kaga tallaabaan.

Shaqaalahan ayaa la sheegay in ay sidaa u sameeyeen bal si ay u gaaraan gobolka dagaallada ba’ani ka dhaceen ee Tigreyga.

Qarramada Midoobey ayaa marar badan oo hore ku celcelisay in dhibaato dhinaca bani’aadannimada ah ay ka jirto gobolka dagaalladu ka dhaceen ee Tigrayga, lama huraanna tahay in gurmad deg deg ah loo fidiyo dadka rayidka ah.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12915 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: