Wararka

Hanti-dhowraha guud ayaa sheegay in aysan baaritaan ku sameynin RW hore Xasan cali…


Hanti-dhowraha guud ee Soomaaliya, Maxamed Cali Afgooye, ayaa maanta sheegay in aysan baaritaan ku samaynin Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre oo 25-kii bishii July xilka looga qaaday mooshin barlamaanka uu kasoo gudbiyay.

Hanti-dhowraha oo maanta sii daayay warbixin sannadle ah ayaa warbaahinta horteeda ka beeniyay warkaas, balse wuxuu sheegay in Ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya uu ka dalbaday in hanti dhowrku warbixin kasoo diyaariyo xafiisyadda uu la wareegayo.

“Ra’iisal Wasaaraha cusub maadaama uu ku cusub yahay xafiiska, wuxuu naga codsaday in aan siinayo warbixin ku saabsan marxalada uu ku jiro xafiiska Ra’iisal wasaaraha, mana ahan wax la xiriiray baaritaan Khuseeya Ra’iisal wasaarihii meesha ka baxay iyo cid kaloo ka tirsan xafiiska,” ayuu yiri hanti-dhowraha guud ee Qaranka.

Xasan Cali Kheyre oo hadda kamid ah murashixiinta madaxtinimada ayaa horey isaga fogeeyay eedeymo musuq maasuq oo loosoo jeediyay.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12776 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: