Wararka

Maxkamadda CQS ayaa xorriyadiisa dib ugu celisay G/lle Ismaaciil Cabdi Maalik oo ahaa…


Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sidda ee Soomaaliya, ayaa amartay in Xorriyadiisa dib loogu Celiyo Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik oo ahaa Taliyihii Danab, kadib markii lagu waayay dambiyadii loo haystay.

Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik, ayaa u xirnaa dacwad uu ka gudbiyay Taliska Ciidamada Xoogga Dalka, iyagoo ku eedeeyay wax is daba Marin, isticmaalka awood dheeri ah iyo ku tagrifal hubka Al-Shabab laga soo furto.

Taliyaha Ciiddanka Xoogga, Gen. Odowa Yusuf Raage ayaa bishii September ee sanadkaan shaqo joonin ku sameeyay Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik, iyadoo kadibna xabsi guri uu ku ahaa Xarunta Military-ga.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa sheegay in Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik uu shaqo wanaagsan ka qabtay howlaha loo igmaday laakiin uusan taliskiisa Ogeysiis ka siin howlahaasi.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12810 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: