RW hore ee Lubnaan iyo Wasiiro ayaa lagu soo oogay dacwad la xiriirta qaraxii gilgilay…

R/wasaaraha xilka ka dagay ee dalkaasi Lubnaan Hassan Diab iyo saddex wasiir oo ka mid ah wasiirradiisa ayaa lagu soo oogay dacwad la xiriirta qaraxii dalkaasi gil-gilay ee galaaftay nolosha dad kor u dhaafaya 200 oo ruux.
Xaakim u dhashay dalka Lubnaan oo lagu magacaabo Fadi Sawan ayaa lagu soo waramayaa in uu furey gal dacwadeed ka dhan ah Ra’isul wasaaraha iyo 3 wasiir, kuwaas oo lala xiriirinayo qaraxii weynaa ee bilo ka hor ka dhacay dekedda magaalada Beirut.

Illo ku dhowdhow garsoorka dalkaas ayaa sheegay in sedexda qof su’aalo laga weydiin doono todobaadka soo socda digniino la sheegay in ay heleen oo ku aaddanaa in 2,750 tan oo ah maadama ammonium nitrate ay ku kaydsanayd dekeda, taas oo ahayd wixii qaraxa uu ka dhashay.
Illaa 200 qof ayaa ku dhimatay qaraxa, waxaana ka dhashay khasaare weyn oo dhan $4.6 bilyan oo doolar.
Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com