Wararka

RW hore Xasan Cali Khayre ayaa kulan la qaatay wasiirka arrimaha dibada ee Ruushka…


Ra’iisal Wasaarihii hore ee Somalia islamarkaana ah musharax xilka madaxweyne Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulan qado ah la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Sergey Lavrov.

Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda ay ka wadahadleen arrimo ku saabsan labada dal iyo Geeska Afrikaba.

“Waxaan kulan qado sharaf ah la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Sergey Lavrov oo aan ka wada hadalnay xoojinta xiriirka & iskaashiga labada dal iyo xaaladda guud ee Geeska Afrika. Waxaan si qoto dheer isaga wareysanay is bedelada dhaqan-dhaqaale & siyaasadeed ee gobolka.” Ayuu yiri Khayre oo warkan ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Khayre qoraalka kuma sheegin halka uu kula kulmay Wasiir Lavrov, balse waxaa soo baxaya warar sheegaya in uu booqasho ku jooggo Magaalada Moscow ee Xarunta Ruushka.

Khayre waa musharax xilligan u taagan jegada madaxtinimada ee dalka, ka dib markii 25-kii bishii Luulyo uu si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu xilka iska casilay.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12896 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: